Saturday, April 26, 2025

Faahfaahin kasoo baxeysa Weerar Diyaarado dagaal ka fuliyeen degaan ka tirsan Gobolka Bari

Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Duqeyn Cirka ah lagu qaaday degaanka Cameyra ee degmada Isku-shuban oo ka tirsan Gobolka Bari.

Weerarkan oo loo maleynayo inay fuliyeen diyaaradaha is-wada ee Mareykanka, ayaa ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka kala tirsan ururada Daacish iyo Al-Shabab oo dhexdooda dagaal u dhaxeeyo, waxaana dadka degaanka ay maqleen ilaa lix qarax oo ka dhashay Gantaallo ay rideen diyaaradaha dagaalka ee weerarka qaaday.

Waxaa degaana laga maqlay guuxa diyaaradaha oo weerarka ka hor iyo kadib laga dareemay halkaasi, lamana sheegin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoo dad shacab ah halkaasi lagu la’ yahay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka Isku-shuban.

Ad

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish, isla markaana lagu dilay duqeynta ilaa 3 ka tirsan Daacishta fadhigoodu yahay Gobolka Bari.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICA ayaa qoraal uu goor dhow soo saaray ku sheegay inuu weerar ka fuliyey Buuraha Golis ee Gobolka Bari, laguna dilay 3 ka mida saraakiisha Daacish ee Soomaaliya, weerarkan ayaa lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

14 bishii April ee sanadkan 2019 ayaa sidan oo kale waxaa duqeyn cirka ah lag fuliyey tuulada Xiriiro ee degmada Iskushuban, iyadoo duqeyntaasi lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub oo ahaa ku xigeenkii madaxa maleeshiyada Daacish ee garabka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON