Thursday, March 20, 2025

FAAHFAAHIN: Is-miidaamiye isku qarxiyey Mas’uul sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Xaaladiisa

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo lala beegsaday mas’uul sare.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay qof is-miidaamiye ah oo isku soo xiray jaakadda waxyaabaha qarxa ku rakiban yihiin, isagoo isku qarxiyey Masjidka lagu magacaabo Qadiim hortiisa, waxaana wararku sheegayaan inuu qaraxa ula dan lahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo halkaasi ku suganaa.

Waxaa la sheegay inay dhaawac culus soo saaray Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo loola cararray isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in xaaladiisa ay tahay mid culus oo koomo uu ku jiro.

Ad

Waxaa kaloo qaraxa ku dhintay laba qof oo uu ka mid yahay Ninkii is-miidaamiyay, waxaana ku dhaawacmay lix qof oo kale oo u badan ilaalada Guddoomiyaha Rugta ganacsiga ee Jubbaland.

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON