Wednesday, November 13, 2024

FAAHFAAHIN: Is-miidaamiye isku qarxiyey Maqaayad ku dhow Madaxtooyada oo Qasaare badan dhaliyey

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Maqaayad ku taalla Bar laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qof is-miidaamiyey ayaa xitnaa Jaakad qarax ayaa galay Maqaayada Blue Sky oo ku dhow barta Xaawo Taako ee laga ilaaliyo Villa Somalia, wuxuuna isku dhex qarxiyey dadweyne halkaasi ku sugnaa oo si nabadgelyo ah casirkii ugu Shaaha halkaasi, iyadoo qasaare badan uu halkaasi ka dhacay.

Wararkii ugu horeeyay ee qasaaraha ayaa sheegay in meydad Dad u badan Shacab ay yaallaan banaanka Maqaayada Blue Sky, ayna sidoo kale hilbo dad ku daateen goobaha ku dhow halka qaraxa is-miidaaminta ah uu ka dhacay, sida ay ku waramayaan dadka goobjoogga ahaa.

Ad

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qasaaraha qaraxa uu geystay, waxaana tirada dhimashada lagu sheegay ilaa 3 qof, halka ay 7 kale ku dhaawacmeen. “3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana wey ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan meydkiisa la aqoonsan.” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Oranjo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON