Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay Qarax uu fuliyey qof is-miidamin ah oo Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxa is-miidaaminta ayaa waxa geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna beegsaday Albaabka laga galo Villa Baydhab oo ah xarunta saraakiisha ciidmada dowladdaa oo u dhow Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inuusan qaraxu geysan wax qasaare ah, marka laga reebo qofkii is miidaamiyey, iyadoo ay ka hor tageen ciidamadii ilaalada ahaa.
“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.” ayuu yiri.
Afhayeenka Booliska ayaa beeniyay in qaraxa loola dan lahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo goobtaasi marayey, isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaasi.
Alshabaab ayaa muddooyinkan sii xoojisay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada Muqdisho oo lagu beegsanayo goobaha maqaaxida iyo isu imaatinka shacabka.