Saturday, April 26, 2025

Faahfaahin: Hooyo iyo laba Caruur ah oo lagu dilay Tuulo ka tirsan Degmada Warsheekh

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ka dhacay agagaarka Tuulada Xaluul oo ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Hooyo iyo caruurteeda oo la sheegay inay umul ahayd, waxayna halkaasi ku dileen Hooyadii, ilmo yar oo ay umul kula jirtay iyo wiil yar, iyadoo dhaawacay laba kale oo caruur ah oo kala ah wiil 5sano jir ah iyo gabar kale.

Arrintan ayaa salka ku heysa aano qabiil oo laba beelood oo degaanka ah muddo dheer u dhaxeysay, iyadoo saaka ay socoto aaska dadkii la dilay, waxaana Muqdisho loo qaaday dadkii dhaawaca ahaa.

Ad

Falalka aanada qabiil iyo dilka dadka Marasta ah ayaa in muddo ah ka socday degaanada hoos taga Degmada Warsheekh, waxaana hore halkaasi loogu dilay oday 90 sano jir ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON