Sunday, March 23, 2025

FAAHFAAHIN: Gaariga Afhayeenka Ciidamada Booliska oo lagu qarxiyey Muqdisho iyo Qasaaraha ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska.

Qarax oo ahaa Miinada dhulka ayaa lala beegsaday Gaariga oo marayay Wadadda 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi, Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa la sheegay inuusan la socon Gaariga la qarxiyey, waxaana ku geeriyooday qof shacab ah oo wadadda mareysay xilliga qaraxu dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.

Ad

“Caawa abaare 8:55 fiidnimo ayeey miino la dhigay wadada 21- Oct dhinaceeda argagixisadu la eegteen dad iyo gaadiid marayay oo uu ku jiro gaarigayga, walow xiligaas aanan la socon. Ilaahay mahadii cidna waxba kuma gaarin gaarigayga. Inkastoo dad wada marayay ay wax ka soo gaareen, ilaahay ha u booga dhayo qofkii wax ku noqday. Argagixisadu nama cabsi gelin karto, nafteena horay ayaan uqidmeeynta ummadda ugu hibaynay, ajashuna ilaahay ayeey gacantiisa ku jirtaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo farriin soo diray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON