Thursday, November 30, 2023

Faahfaahin: Duqeymo culus oo lagu qaaday Degmooyinka Jilib, Saakow iyo Bu’aale

Weerarro duqeyn ah ayaa xalay iyo saaka ka dhacay degmooyinka Gobolka J/DHexe ee maamulka Jubbaland oo Alshabaab ay sida buuxda uga taliso

Weerarrada oo ay iska kaashadeen Diyaaradaha Mareykanka ayaa lagu beegsaday degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow, sida lagu sheegay War ay baahisay Warbaahinta dowladda.

Waxaa la duqeeyay Xarumo ay horjoogeyaasha iyo Maleeyshiyaadka Khawaarijtu ku sugnaayeen Gobolka Jubbada Dhexe, balse lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha duqeymahaasi.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa shaacisay in Mareykanka uu duqeyn ka geystay Jilib, Bu’aale iyo Saakow laguna beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sida goobo waxbarasho, xarumo ganacsi iyo guryo shacab ay deganyihiin dad rayid ah.

Alshabaab ayaa sheegtay in duqeytii Jilib uu qof ku dhintay, lagu dilay dad shacab ah, qaar kalana lagu dhaawacay, iyo hanti ku burburtay.

Duqaynta Jilib waxaa ku shahiiday ugu yaraan hal qof oo shacab ah, balse faahfaahin kama bixin duqeymaha ka dhacay degmooyinka Saakow iyo Bu’aale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON