Saturday, March 15, 2025

Faahfaahin: Diyaarad ku burburtay Gobolka Bay & Soomaali iyo Ajnabi ku geeriyooday.

Diyaarad xamuul ahayd ayaa galabta ku burbutay degaanka Berdaale ee Gobolka Baay, iyadoo faahfaahin cusub kasoo baxeyso diyaaradda iyo shilka qabsaday.

6 qof oo laba ka mida ay Soomaali ahaayeen inta kalena Ajnabi ayaa diyaaradda saarnaa, kuwaasoo ku dhintay burburka diayaradda oo ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Sababta dhalisay inay diyaaradda soo dhacdo ayuu sheegay maamulka K/Galbeed in la baarayo, waxayse warar hore usoo baxay ay sheegayaan in lagu soo riday hub lagu soo toogtay.

Ad

Waxaa farta lagu fiiqay ciidamada Itoobiyaanka iyo Alshabaab inay ka danbeeyeen duqeynta diyaaraddani, oo la sheegay inay Daawo iyo agab kale u siddey magaalada Bardaale.

Shirkadda diyaaradaha African Express oo leh diyaaradda ayaa laga so xigtay inay diyaaraddu ka tagtay Baydhaba markii uu shilku qabsaday, ayna tuhunsan yihiin in la toogtay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON