Tuesday, May 21, 2024

Faahfaahin: Darawalkii labaad ee Mooto Bajaajle ah oo Muqdisho lagu dilay hal maalin Gudaheed

Darawalkii labaad oo Mooto Bajaajle ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasoo noqonaya dilkii labaad muddo 24 saac ka yar ciidamada dowladda u geystaan Bajaajlayaasha Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Yaaqashiid ayaa xalay toogasho ku dilay Darawal Mooto-Bajaaj oo lagu magacaabi jiray Bashiir Mukhtaar Caddow, kadib markii ay rasaas ku fureen xilli uu ku soo dhacay wado loo xiray howlgal nadaafad oo ka socday Jidka Soddonka, xaafadda Ceel Tuba-weyne, degmada Yaaqshiid.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan Saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid oo halkaasi u dhow ay rasaas ku fureen darawalkan markii uu jidka laamiga soo galay, halkaasina uu dhaawac culus kasoo gaaray, kaasoo uu waxyar ka dib u u geeriyooday. Labadii askari ee falka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ad

Allaha u naxariistee Bashiir Mukhtaar Caddow ayaa ka mid ahaa dadka ku shaqeysta Mooto-bajaajta, wuxuuna ahaa xaasle ka tegay afar caruur ah, waxaana meydkiisa goobta ka qaaday dad ay ehel ahaayeen.

Falalka ka dhanka ah wadayaasha Mooto-Bajaajta ayaa dib u soo laabtay iyadoo isla shalay subaxnimadii lagu dilay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon Darawal kale oo askari dhar-cad ahaa uu rasaas ku furay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON