Wednesday, October 16, 2024

Faahfaahin: Dagaal salka ku haya Doorashada oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan ee Xerada Lama-galaay, magaalada Beledweyne.

Is-rasaaseyn daqiiqado socotay ayaa alabaabka hore ee Xarunta maamulka ku dhex martay Ciidamada ilaalada Madaxda Hir-Shabeelle ee halkaas degan iyo iyo maleeshiyo hubeysan oo ilaalo u ah qaa ka mida musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Reer Hiiraan.

Arrintan ayaa salka ku heysa xiisadda ka taagan doorashada kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne oo la isku khilaafsan yahay sida loo maareynayo, waxaana dhaqdhaqaaq ciidan bilaabay maleeshiyaad ku lebisan dareyska ciidamada Milateriga oo ka horjeeda in qof gaara loo xiro Kursiga HOP010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirisaaq Maxamed (Jindi).

Ad

Iska hor imaadka ayaa la sheegay inay ku dhinteen 2 qof oo midkood shacab yahay, waxaana ku dhaacmay ilaa shan qof oo kale oo la geeyay dhaawacooda Ibitaalka Magaalada Beledweyne.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa kacsan, iyadoo doorashada kuraasta beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel laga cabsi qabo inay dhaliso iska hor imaadyo kale iyo dagaal ka dhaca gudaha magaalada.

Xaruna Lama-galaay oo ay ku urursan yihiin madaxda Hirshabelle, maamulka Gobolka iyo Musharxiinta waxaa ka socda shir looga hadlayo xaaladda amniga magaalada Beledweyne iyo dejinta xiisadda taagan.

May be an image of 8 people, people standing, tree and road
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON