Wednesday, September 18, 2024

Faahfaahin: Dagaal ka dhacay Baydhaba iyo ciidamo mucaarad ku ah Laftagareen oo…

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya inuu iska hor imaad halkaasi ku dhex maray Ciidamada maamulka Madaxweyne C/casiis Lafta-garen iyo ciidamo kale oo taabacsan mucaaridka ka soo horjeeda oo dhowaan la abaabulay.

Waxaa saaka gudaha Magaalada Baydhaba laga maqlay rasaasta culus oo ay labada dhinac is-weydaarsanayaan, waxaana taagan xiisad culus oo magaalada ay gashay, taasoo ka dhalatay khilaafka ka taagan muddo kordhinta Madaxweynaha.

Mushariixinta K/Galbeed ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxay C/casiis Laftagareen ku eedeeyeen inuu weeraray Guriga magaalada Baydhaba ee Maxamed Aadan Fargeeti- oo ka mida musahirixiinta Mucaaradka kii hore ee Maaliyadda Fargeeti isla markaasna ay is difaacayaan.

Ad

“Gurigeyga Baydhabo ku yaalla waxaa saaka weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, Nabad sugida, darawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka. dagaalkana waa socdaa weli,” ayuu yiri Musharax Farkeeti ku yiri qoraal ka soo saaray xaaladda Baydhaba.

Dowladda Federaalka oo War degdega kasoo saaray xaaladda magaalada Baydhaba ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqada ka dhacday magaalada Baydhaba, waxayna dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo ugu baaqay inay raadiyaan xal nabadeed.

Baarlamaanka Koofur Galbeed ay 3 sano kahor hal sano ugu daray madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kaasoo xilkiisa afarta sano ku ekaa 19 December-kii 2022, balse waxaa ka biyo diiday siyaasiyiinta iyo musharixiinta xilka madaxweynaha K/galbeed oo fadhigoodu yahay Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON