Dagaal aad u culus oo muddo saacado ah socday ayaa maanta ka dhacay degaanka Masaajidka Cali-gaduud ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo qasaare badan uu dhaliyay dagaalka.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ayaa saaka weerar ku qaaday xarunta Masaajid Cali-gaduud, waxayna Alshabaab difaac adag kala hor yimaadeen ciidanka, iyadoo dagaalka uu ahaa mid culus, ayna ka qeyb qaateen Diyaaradaha Drone-ka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jeneraal C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen Masaajid, Cali Gaduud, isla markaana ay hadda ku sugan yihiin degaankaasi oo istiraatiiji ah.
Afhayeenka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalka ka dhacay Masaajidka Cali-Gaduud uu bilwoday saaka aroortii, soona gabagaboobay Galabta xilli danbe, isagoo qiray inuu dagaalkiu ahaa mid adag.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in dagaalka lagu dilay in ka badan 24 maleeshiyo oo ka tirsan, dhaawacyaduna ay ka badan yihiin, iyadoo ay jirto waxyaalo gaaray gaadiidka dagaalka.
Alshabaab ayaan weli wax war ah kasoo bixin marka laga reebo in warbaahinta taageerta ay sheegtay in dagaal culus uu ka dhacay Masjid Cali-Gaduud, isla markaana qasaare lagu gaarsiiyey ciidmada dowladda oo ay weli Alshabaab difaacaneyso.