Friday, March 14, 2025

FAAHFAAHIN: Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya oo dhaawacay Agaasime ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ay rasaas ku fureen gaari uu la socday agaasime ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Mudane C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey ayaa caawa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada madaxtooyada xilli uu marayay Iridka Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Gaariga uu watay agaasime C/llaahi ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada oo ku sugnaa Bar koontarool oo Ciidamada ka ilaaliyaan Madaxtooyada. Dhaawaca Agaasimaha ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in rasaasta ka haleeshay Caloosha.

Ad

Dad ehel la ah agaasimaha ayaa sheegay in qalliin degdeg lagu sameeyay goor dhoweyd iyadoo ay xaaladiisa ay tahay mid halis ah, loona baahday dhiig ay ku deeqeen ehelo iyo saaxiibo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON