Qarax degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka degmadasi markii gaari uu la socday qarax haleelay.
Waraxa oo ahaa Miino ayaa qabsaday gaari ay wateen madaxda maamulka Degmada, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Qansaxdheere Ibraahim Yuusuf, iyadoo uu ku dhaawacmay qof shacab ah.
Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxa waxaana war kasoo baxay lagu sheegay inay Qaraxa ku dileen guddoomiye ku xigeenkii degmada Qansaxdheere Ibraahim Yuusuf iyo Afar Askari oo ilaala u ahaa. Alshabaab intaas ku dartay in qaraxa lagu dhaawacay guddoomiyaha degmada iyo ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed.
