Saturday, January 25, 2025

FAAHFAAHIN: Alshabaab oo gubay tuulo ka tirsan Sh/Dhexe, kana qafaashay dad fara badan

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulada Ceel Muluq ee ka tirsan degmada Cadalle, iyagoo gubay guryo iyo Ceelkii tuulada, halkaasi ka qafaashay dad ka badan 30 qof.

Weerarka Alsahbaab ayaa yimid, iyadoo dadka degaankaasi ay ku eedeeyeen inay taageeraan maleeshiyada degaanka ee la baxday ‘Macawisley’, kuwasoo ah dadka degaanka oo is abaabulay, dagaalna kula jira Alshabab.

Degaanka Ceel muluq oo ka tirsan degaanada ay ka taliyaan maleeshiyada Macawisleyda ayey Alshabaab beegsadaan iyadoo dadka ay qafaasheen ay ka mid yihiin dad waayeel ah caruur iyo haween.

Ad

Axmed Xuurshoow oo ka mid ah kooxda Macawisleyda  ayaa sheegay in weerarka Alshabaab uu ahaa mid kedis ah, marar badanna ay sidaas oo kale dadka shacabk ah u dhibaateeyeen.

Alshabab ayaa wax war ah kasoo saarin weerarka ay ku qaadeen degaanka Ceelmuluq, degmada Cadale ee Gobolka Sh/dhexe oo ka mida degaanada looga kacay ee dadka shacabka ah ka hor yimaadeen maamulka Alshabaab iyo falalkooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON