Thursday, April 24, 2025

Faahaahin: Dagaalkii Cuslaa ee Camaara iyo Alshabaab oo sheegatay inay ku qabsatay 14 Gaari oo..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus oo maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada dowladda / Galmudug ku dhex maray Degaanka Camaara ee Koonfurta Mudug.

Ciidamada dowladda kuwa Galmudug ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, laakiin ma jirto faahfaahin kale oo ay bixiyeen iyadoo maamulka Galmudug aanu War cad kasoo saarin dagaalkaasi.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka oo ku bilowday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay kula wareegeen saldhigii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayna qabsadeen magaalada Camaara.

Ad

Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka baxeen deegaankaasi, kadib dagaalkii dhex maray Alshabaab, taasoo kentay inay Al-shabaab la wareegtay Saldhigda gaadiid dagaal.

War rasmi ah goor danbe Alshabaab kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalkii Camaara ay ku qabsadeen 15 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tiknikada dagaalka, iyo 2 Gaari oo BG xamuul ah iyo booyad, waxayna sheegeen inay dhimashada ciidamada gaartay 31 isugu jirta saraakiil iyo askar.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa lasoo weriyey inay duqeeyeen qaar ka mida Gawaaridii ay Alshabaab ku qabsatay dagaalka, waxaana ilaa 4 gantaal lagu riday gaadiid ay la socdeen Alshabaab.

- Advertisement -

Dadka degaanka ayaa xaqiijinaya inay Alshabaab qabsadeen magaalada Camaara. Qasaaraha dagaalka ayaan weli soo bixin, iyadoo la sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac gaaray. Waxaana Camaara dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Dhinaca kale Gaari nooc loo yaqaan Cabdibile oo ay la socdeen Daraawiishta Galmudug ayey Miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara, waxaana ku geeriyooday 2 Askari, halka 8 kale ku dhaawacmeen.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in dagaalkii maanta ee Camaara ka dhacay Alshabaab looga dilay 60 maleeshiyo, ayna qasaare u geysteen duqeyn u geysteen diyaarado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON