Wararkii ugu danbeeyay ee dagaal ka qarxay degaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegayaan in qasaare xoog leh uu dhaliye dagaalka oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo gadooday.
Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii dadka degaanada Caad iyo Camaara ay abaabuleen iyagoo weerar ku qaaday fariisimo Alshabaab ku leeyihin duleedka Xarardheere, halkasoo uu dagaalku ka qarxay.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii dadka xoolo dhaqatada ah ee degaankaasi ay u adkeysan waayeen tacadiyada Shabaab iyo xoolaha sida joogtada ah looga qaado ee Zakada loo bixiyey, iyadoo amarkii ugu danbeeyay dadka lagu soo rogay inay bixiyaan xoolo lagu amray oo fara badan.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu weli ka socda degaanka Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug, dadkuna ay u diyaar garoobeen dagaalka inkastoo Alshabaab ay gurmad iyo hub culus halkaasi u dirtay.