Sunday, April 27, 2025

Ex. Xildhibaan kasoo jeeda Somaliland oo ku geeriyooday Hotelkii uu deganaa ee Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan hore meydkiisa laga helay qolkii uu ka deganaa Hotel ku yaalla Caasimadda Soomaaliya.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Adan ayaa kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse waxaaa Mdydkiisi laga helay Qolkii uu ka deganaa mid ka mida Hoteleeda Muqdisho.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray Hotelka, waxayna xireen Haweenay qolka xilligaasi ku sugneyd oo sida la sheegay laga soo xigtay inuu marxuumku u dhintay dawooyin iyo kaniiniyo uu Qaad ku darsaday.

Ad

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Marxuumka la geeyay Isbitaalka Martiini, halkaasina uu ku dhintay, weliba uu baaritaanku socdo, marka baaritaanku soo dhowaamadana la hor geyn doono.

Waxaa socda baarista kiiska iyo sababta geeridiisa, iyadoo weli taagan kiisii dilka Marxuum C/naasir Dahable oo Gurigiisa lagu dilay. wuxuuna ahaa howlwadeen ka tirsan hay’adda Duulista Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON