Dowladda Eritrea ayaa
Dowladda Eritrea ayaa war aan la fileyn kasoo saartay afgembi la isku dayey in dalkaasi laga sameeyo sanadkii 2011 markii ay dunida carabta ka socdeen bannaanbaxyada Gu’gii carabta ee dowlado badan lagu riday.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa ku eedeeyay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA inay ka danbeysay abaabulka afgembiga, iyadoo uu gacan ka geysaneyy sirdoonka Israel ee loo yaqaan MOSAD, waxayna arrintan timid iyadoo muddo 8 sano ah laga joogo xilliga uu dhacay isku dayga afgembiga xilka looga tuuri lahaa madaxweyne Isias Afwerki.
Dowladda Eritrea ayaa caddeysay inay heleen macluumaad iyo dokumentiyo sir ah oo ku aabsan afgambiga lala damacsanaa dalkooda ee Mareykanku abaabulay, iyadoo qorshaha ay ka mid ahayd in la abaabulo kacdoon shacbi oo dadweynaha dalkaasi laga horkeeno dowladda.
Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baday dowlada Eritrea magacyada shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga soo maleegayey ka qayb qaatay iyo kulamo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ma cadda ujeedada xilligan loogu soo beegay arrintan, laakiin madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki oo lagu tilmaamo kelitaliye aad u cadaadiya dadkiisa ayaa dareemaya go’doon siyaasadeed xitaa kadib markii uu heshiiska la galay Itoobiya, iyadoo Mareykanka iyo reer galbeedka aysan gacan ka siin in dalkaasi la taageero.