Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay socdaal laba maalmood ah oo uu ku tegay dalka Eritrea, isagoo kulamo is daba joog ah la yeeshay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.
Gabagabadii safarkiisa ayaa magaalad Asmaraa laga soo saaray War-saxaafadeed kasoo baxay labada dal oo lagu caddeeyay arrimihii laga wadahadlay iyo Go’aano culus oo dowlada Itoobiya ka qaadan doonto Arrimaha ka taagan Geeska Afrika.
Bayaan ay faafisay Wasaarada Warfaafinta dalka Eritrea ayaa lagu yiri: “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay yeesheen wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan arrimaha labada dal, gobolka iyo caalamka”.
Warka waxaa kaloo lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay si xooggan u wada shaqeeyaan, iyadoo loo marayo iskaashiga laba geesoodka ah iyo kuwa is dhammaystirka ah iyo in la helo qaab dhammaystiran oo heer gobol ah iyo niyad wax dhisid leh.
“Xilligan waxay dawladda Ereteriya waxay ku dhawaaqaysaa inay soo saari doonto mustaqbalka dhow bayaan aad u ballaaran oo ku saabsan arrimaha laba geesoodka iyo gobolka” ayaa lagu soo gabagabeeyay War-saxaafadeedka dowladda Eritrea.