Ergeygii dowladda Qatar ee tegay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, lana kulmay madaxda Somaliland, Dowladda Federaalka, qaar ka mida maamul Goboleedyada dalka iyo Midowga Musharixiinta ayaa magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxtooyada Kenya ayaa faafisay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu aqaka madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Nairobi ku qaabilay ergeyga wasaaradda arrimaha dibadda Kenya u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo ka hortagga argagixisada, isagoo ka guddoomay dhambaal qoraal oo uu ka siday Amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad Al-Thani.
Ergeyga dowladda Qatar Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa dalka Kenya gaaray, kadib markii uu dhammeystay socdaalkiisii magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inuu kula kulmo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta gaaraya magaalada Nairobi.
Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani wuxuu dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Amiirka dalkiisa hore u gaarsiiyey madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin kulankii uu la yeeshay Farmaajo ayaa la qariyey oo aanay shaacin madaxtooyada Soomaaliya sababo aan la sheegin dartood.
