Friday, March 28, 2025

Ergeyga cusub & Safiirka Turkiga ee Somaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda [-Sawirro]

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Axmed Ciise Cawad, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, Safiirkii hore Olgan Bekar oo dhowaan loo magacaabay  ergeyga gaarka ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
Turkiga ayaa dib u soo nooleeyay dadaalka uu ku doonayo in dib loo bilaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland , isagoo hore u ahaa dalka ugu weyn ee bixiya  taageerada iyo fududeynta wadahadallada  labada dhinac intii sida rasmifa ah u bilowdeen sanadkii 2012.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku qaabilay Safiirka Turkiga iyo Ergeyga gaarka ah hoyga uu ka degan yahay caasimadda, iyagoo is dhaafsaday aragtiyo la xiriira horumarrada xaaladda gobolka, arrimaha dunida iyo mowduucyo kale oo muhiimad gaar ah leh.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Famaajo ayaa muddo 2 sano oo ay talada heyso waxay hakisay wadahadalladii Somalia iyo Somaliland, arrintaas oo si weyn loogu eedeeyay.

Ad

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, wedding and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor

- Advertisement -

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting, suit, table and indoor

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON