
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku guuleystay dadaal uu ugu jiray in lacagihii laga qaaday musharixiinta Madaxweynaha lagu wareejiyo si loogu adeegsado gurmadka Abaaraha.
Ergeyga ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), isgoo ay weheliyaan xubno ka mida Gudigga Gurmadka Abaaraha, waxayna ka wadahadleen sidii wax loogu qabanlahaa xaaladda Abaaraha.
Ergeyga iyo Gudiga Abaaraha oo ay Guddoomiye Adan Madoobe ka codsadeen in lagu wareejiyo Lacagihii Baarlamaanka Federaalka u qoondeeyeen abaaraha iyo lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha Soomaaliya laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka.
Waxay kaloo Guddiga ka dalbadeen Gudoomiyaha Baarlamaanku inuu xukuumadda ku daba galo sababta aysan weli Xukuumadda u bixin Qoondadii ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka ka jira iyo weliba lacagtii Halka milyan Dollar (1,000 000$) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ballan qaadey in Beri lagu wareejin doono Guddiga Lacagihii Baarlamaanka horey u ballan qaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.