Friday, December 8, 2023

Ehelada Sheekh Mukhtar Roobow oo diiday in Xabsi Guri loo wareejiyo & Cabsi laga qabo..

Iyadoo uu soo baxay qorshe dowladda Somalia ay ku dooneyso in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali u wareejiyo xabsi Guri, lagana saaro xabsiga ciidamada NISA oo muddo 8 bilood ah uu ku jiray ayaa arrintan waxaa ka biyo diiday odayaasha Beesha uu kasoo jeedo iyo ehelkiisa.

Dowladda Somalia oo Sheekh Mukhtaar Roobow kasoo xirtay magaalada Baydhaba bishii Disembar 2018 xilli uu ku jiray tartanka xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed, iyadoo loo adeegsaday ciidamada Itoobiya ayaa waqtigaas kadib waxaa gacan ku heysay hay’adda NISA isagoo ku xirnaa xarunta weyn ee loo yaqaan Habar-Khadiija, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Dadaal ay wadeen guddoomiyaha Baarlamnaanka Somalia, Madaxweynaha K/Galbeed oo culeys ka heystay beesha uu kasoo jeedo Sheekh Roobow oo lagu doonayey in xoriyadiisa loo celiyo ayaa socon waayey, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday in xabsi guri loo wareejiyo Mukhtar Roobow, sida Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ad

Ehelada Sheekh Roobow ayaa walaac ka muujiyey amniga Sheekh Mukhtar Roobow oo bar-tilmaameed u ah Alshabaab, haddii xabsi Guri la geliyana uu halis ku jiro, waxayna dalbadeen in xoriyadiisa loo soo celiyo Sheekha sida ay ballanqaadeen Guddoomiye Mursal iyo Madaxweyne Lafta-gareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON