Taliska Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegay in la qabtay xalay Saqdii dhexe eedeeysane lagu tuhunsan yahay kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Jimcihii lagu dilay magaalada Muqdisho markii kufsi loo geystay.
Eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo 24 sano jir, ayaa ka baxsaday magaalada Muqdisho, isagoo ku dhuumaalaysanayay Guri ku yaalla magaalada Cadaado, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Booliska Cadaado.
Maxamed Ibraahim ayaa la sheegay inuu yahay eedeysana ugu weyn ee falka kufsiga iyo dilka marxuumad Xamdi Maxamed Faarax lagu tuhusan yahay, waana qofkii 12-aad ee kiiskan loo xiro, kadib markii uu falkaasi dhacay.
“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib..” ayay tiri Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen oo qoraal soo dhigtay baraha bulshada.