Eedeysanayaal Alshabaab ka tirsanaa oo Dil lagu xukumay Magaalada Boosaaso (Magacyada & Sawirro)

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Puntland ee magaalada Boosaaso ayaaxukunno dil ah ku riday 7 nin oo lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dilal qorsheysan ka geysteen Puntland.

Dhalinyarada la xukumay ayaa mas’uuliyiin iyo dad rayid lagu eedeeyay inay ku dileen Magaalada Boosaso, waxayna Maxkamadda ka hor sheegeen inaysan wax lug ah ku leeyihiin dillkaasi iyo eedeynta loo jeediyay iyagoo sheegay in lagu jirdilay xabsiga.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa ku dooday inay eedeysanayaasha isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalana ay sheegen inay ka tirsan yihin Al-shabab, wuxuuna ku riday xukun toogasho ah.

Dhalinyarada  xukunka lagu riday waxay kala yihiin:

Nuuradiin Axmed samatar Deerow (20 sano jir)

Ayuub yaasin cabdi (32 sano jir )

Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )

Xasan Aadan Xasan Maxamed (22 sano jir )

Cabdixakiin Maxamed Aways (24 sano jir )

Maxamed Yaasin Cabdi Maxamuud (17 sano jir )

Daa’uud Siciid Sahal (18 sano jir )

Qareeno u dooday dhalinyaradan ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo hor keenay Maxkamadda, waxayna codsadeen xukun cadaalad ah.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com