Tuesday, May 20, 2025

Duuliyihii diiday inuu Duqeeyo oo lagu maamuusay Magaalada Hargeysa (Dhalasho iyo Dhul laga siiyey Somaliland)

Duuliye Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo xilligii dowladii Milateriga diiday inuu magaalada Hargeysa ku duqeeyo diyaarad dagaal oo uu waday ayaa lagu maasuusay magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku maamuusay duuliyaha oo dhowaanahan ku sugnaa Somaliland Shahaado sharaf, Dhul uu Guri ka dhisto iyo Baasaboorka Diblomaasiga ee Somaliland oo ka dhigan in loo aqoonsaday muwaadin reer Somaliland ah.

“Waxa uu damiirkiisu u diiday in uu diyaarad dagaal iyo bambooyin xoog badan ku duqeeyo hooyooyinkii iyo caruurtii uu isagu ka ilaalin lahaa cadowga.Duuliye Axmed-dheere waa geesi dhiiran oo ka dhiidhiyey in uu qayb ka noqdo xasuuqii iyo gumaadkii aan kala sooca lahayn ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayey 1988. Waxa uu bad-baadiyey kumannaan ka mid ahaa shacabkii aan waxba galabsan ee Hargeysa. Sidaa darteed, waxa aan caawa ku maamuusay Duuliye Axmed-dheere Billad Sharaf. Waxa aan guddoonsiiyey Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ee Diblomaasiga ah iyo dhulkii laga dhisi lahaa gurigii uu ku yeelan lahaa Caasimada Hargeysa..” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON