Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa Ra’iisal wasaarihii hore Musharax Xasan Cali Kheyre dusha u saaray mas’uuliyadda askarta Soomaalida ee ku maqan dalka Eritrea.
Qoraal u muuqday inuu jawaab u ahaa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayuu Duqii hore ee Muqdisho ku weerarray Xasan Kheyre iyo Midowga Musharixiinta, wuxuuna sheegay inay dhexdooda baaritaan ka sameeyaan oo musharaxa ka tirsan oo ahaa Ra’iisal wasaarihii hore uu bixiyo Xogta arrinta ciidamada la geeyay dalka Eritrea.
“Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri Thabit Cabdi, isagoo ku dooday: “Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa!.
Wuxuu sheegay inuu markale ayaan ku celinayo in Dowladda FS laga sugayo iney ummadda u run-hadasho haddii ciidan tababar u baxay loo adeegsaday danno ka baxsan midda Qaran ee loo diyaarinayay.
Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi oo mar saaxiib dhow la ahaa Ra’iisal wasaarihii hore ayaa ku heysta inuu Kheyre qeyb weyn ku lahaa sababihii keenay in xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir laga qaado.