War kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgal duqeyn ah oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sh/Hoose, kaasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda Federaalka ilaa 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan waxaa fuliyay Diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka, waxaana lagu beegsaday xubno firxad ah oo ka badbaaday howlgal 23-kii bishan ka fuliyay degaankaankaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.
Waxaa weerarka lagu burburiyey Gaadiid ku baxsanayeen Alshabaab, iyadoo lasoo bandhigay sawirka Gaari yar oo Bus ah (Caasi), kaasoo ku burburay duqeynta iyo agab saarnaa.
