Friday, March 28, 2025

Duqeyn lagu dilay Horjooge iyo Shabaab badan oo ka dhacday Koonfurta Mudug

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal iyo duqeymo culus ay shalay iyo xalay oo dan ka socdeen degaanka Buuraha Jeexjeexa ee Koonfurta Gobolka Mudug oo raacan maamulka Galmudug.

Dagaalkaan oo dhaawac kasoo gaaray uu u dhintay Abaanduuliyihii Guutada 18-aad ee ciidamada gorgor ayaa sidoo kale qasaare weyn lagu gaarsiiyay Alshabaab, waxaana duqeyn rogaal celin ah lagu dilay in ka badna 20 Alshabaab ah.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Duqeyn ku dileen 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii kooxda la beegsaday.

Ad

Howlgalkan duqeynta ayaa ka dhacay Deegaanka Jeex-jeexa ee Koofurta Gobolka Mudug, iyadoo lagu beegsaday koox Shabaab ah oo kasoo baxay Godad Buuraha degaankaasi oo saldhig u ah.

Dagaalladii shalay oo dhan socday eey degaankaas ayey ciidamada dowladda sheegen inay ku dileen 50 Alshabaab ah.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay ciidamada dowladda ka dileen 14 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON