Tobanaan ka mida maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu duqeeyay Gobolka Mudug xilli ay isu diyaarinayeen weerar ay ku qaadaan degmada Xarardheere iyo agagaarkeeda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka.
Duqeynta oo la sheegay inay fuliyeen Diyaaradaha Drone-ka ee Turkiga ayaa lagu qaaday degaanka Baraag-garguurte oo 20 KM u jirta degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la soo weriyey inay muddooyinkii ugu danbeeyay isku urursanayeen degaankaasi, iyagoo qorsheynayay weerar culus oo ku dhow degmada Xarardheere.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay Qasaare culus kasoo gaaray maleeshiyadii Alshabaab iyo Gaadiid dagaal oo halkaasi ku sugnaa, Taliska ciidamada dowlada ayaa sheegay in duqeynta lagu gubay saddex Gaari.