War au soo saartay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Shabaab badan lagu laayey hawlgalo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay Degaano hoos taga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduug.
Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in lagu dilay duqeynta, kadib markii lagu beesgaday dhulka Hawdka ah ee u dhaxeeya degaannada Bida Ciise iyo Gerille ee degmada Ceeldheer.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay halkaas isku arursanayeen, iyadoo la baabi’iyay fariisinkii ay ku sugnaayeen iyo Gaari Layla Calaawi kaas oo ay ku diyaariyeen qaraxyo.
Ma jiro warar dheeraad ah oo kasoo baxay weerarka duqeymaha ah ee ka dhacay Galgaduud, iyo ilo madax bannaan oo xaqiijinaya qasaaraha ka dhashay.