Taliska ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in duqeyn kale ay ka dhacday duleedka magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo dhowaan ay qabsadeen ciidamda dowladda.
War kasoo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ilaa 50 Alshabaab ah lagu dilay hawlgalka maanta ka dhacay degaanka Miiroon ee hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, iyadoo la sheegay inay ciidamada dowladda la waregeeen degaankaas.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah Weerar ku qaaday deegaanka waxaana la gaarsiiyay Jab weyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalkaas caddowga lagu naafeeyay.
Duqeynta ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Drone-ka dagaalka ee Saaxiibada Soomaaliya, waxaana lagu qaaday degaanno ku yaalla duleedka Xarardheere halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, iyadoo duqeynta dhinac socotay howlgalo ciidanka degaannadaasi ku aadeen.
Dhinaca kale Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen Degaannada Miiroon iyo Baraag Ismaaciil oo hoostagta Xarardheere, ayna duqeynta ku dileen 20-dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.