Madaxda caalamka ayaa si weyn uga fal celiyay go’aankii uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa inuu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda.
Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah oo xaaldda uga sii daraya, isla markaana xasilooni darro ka abuuraya Bariga Dhexe, iyadoo uu burburinayo aragtii ahayd in laba dal oo Isra’el iyo Falastiin ah ay jiraan.
Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxa uuna ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid murugo leh.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado oo halistiisa leh, waxa uuna ku baaqay dadaalo nabadeed iyo in laga fogaado rabshado.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkigha Mevlut Cavusoglu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada Trump ay tahay mid mas’uuliyad darro ah oo burburisay dhammaan qaraaradii Q/Midoobay iyo Golaha Ammaanka.
Dowladda Sacuudiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka uu qaatay Donald Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo mas’uuliyad darro salka ku haya.
Hoggaamiyaha Iiraan Ayatullah Khumeyni ayaa sheegay waxa uu ku kacay Madaxweynaha Mareykanka ay tahay sharci darro iyo gacan siin Sahyuuniyadda si ay u dhacdo dhulka Falastiin, isla markaana aan la aqabali karin.
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in tallaabada madaxweyne Trump ay tajay mid geesinimo leh oo taariikhi ah, wuxuuna dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay sidaas oo kale sameeyaan.
Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa khudbad uu jeediyay go’aankii Trump kadib wuxuu sheegay in tallaabadan ay Mareykanka ka dhigeyso mid la safaan Isra’el, isgoo ka baxay kaalintii dhexdhexaadnimada, wuxuuna caddeeyay in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin weligeedna ahaan doonto.
Dowladda Qatar ayaa go’aanka Madaxweyne Trump ku tilmaamntay mid mas’uuliyadda darro ah oo aan sharci ahayn, wax weyna u dhimanaya dadaalkii nabadda Bariga Dhexe.
Baadariga Kaniisada Katooliga Pope Francis ayaa sheegay inuusan ka aamusi karin walaaca weyn ee uu ka qabo xaaladda soo korortay, wuxuuna ku baaqay in la dhowro jiritanka magaalada Qudus ee saddexda diimood u dhaxeysa.
Midowga Yurub, Shiinaha iyo Russia ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin tallaabada uu qaadaya madaxweynaha, waxaana 8 ka mida dalalka Golaha ammaanka ay ku baaqeen shir degdeg oo golaha ammaanka arrintan ka yeesho.
Bannaanbaxyo waaweyn ayaa xalay ka dhacay dhulka Falastiin Turkiga, Jordan iyo dalal kale oo dhowr ah iyadoo la gubay sawirrada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana la filayaa in xaaladda ay kasii darto.
Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Dhulka Falastiin ayaa sidoo kale bannaanbaxyo ka socdaan iyadoo dalka Urdun ay isla xalay ka bilowdeen dibadbaxyada.