Dowladda Soomaaloya ayaa heshiis milateri la saxiixatay dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ku saabsan iskaashi la-dagaalka argagixisada iyo taageerada Imaaraadku siinayo Ciidamada Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mohamed Bin ahmed ayaa kala saxiixday heshiiska Milateri oo ah mid dib loo cusbooneysiiyay oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Qoraal ay faafisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in labada dal ee Somaliya iyo Imaaraadka ayaa lagu yiri: “Labada dal ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan “iskaashiga ciidamada iyo amniga iyo la dagaalanka argagixisada”.
Sidoo kale waxaa warka lagu sheegay in labada dhinac ay ka go’an tahay mabaadii’da sinaanta iyo madaxbanaanida, xaqiijinta muhimadda ay labada dhinac siinayaan ilaalinta amniga, nabadda iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah, xeerarka, mabaadiida iyo go’aamada sharciga ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga amniga. si kor loogu qaado dadaalka iyo iskaashiga milatari ee lagula dagaalamayo argagixisada.
Wararka ayaa sheegaya in Heshiiskan cusub uu dib usoo celinayo Khubaradii milateri ee Imaaraadka Carabta oo dalka laga saaray sanadkii 2018 markii ay isku dhaceen Imaaraadka iyo Dowladii Farmaajo oo markaas heshiis la gashay dalka Qatar.
Imaaraadka maamuli jiray Xerada Jen. Gordan ee magaalada Muqdisho, iyagoo gacanta ku hayey ciidamo Soomaali ah oo ay mushaarkooda bixin jireen, isla markaana dadka qaarkood sheegeen inay iyagu amri jireen.



