Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa dib u soo celiyay Qandaraasyadii dowladda siin jirtay shirkadaha Gaarka ah ee Kharashaadka dowladda qaadi jiray, taasoo la joojiyay sanadihii 2017 iyo 2018.
Waxaa dhowaan soo shaac baxday in Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka ay heshiis la gashay shirkad gaara oo lagu magacaabo MGS Soft INC, taasoo loo xilsaaray inay dowladda u qaado Canshuuraha Guryaha Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka Guud 29-kii Janaayo 2024 ayuu heshiiskaasi ku tilmaamay sharci darro iyo inuu hareer marsan yahay sharciga Maaliyadda dalka, isagoo dalbaday in heshiiskaasi meesha laga saaro.
Hanti-dhowraha ayaa Wasaaradda Maaliyadda u sheegay inay sharci darro ah in hantida dowladda, sida canshuuraha ay qaado shirkad gaar loo leeyahay, sida ku cad sharciyada maaliyadda dalka.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in shirkaddan oo ah mid cusub ay leeyihiin xubno gacansaar la leh madaxda dowladda Federaalka, taasoo shaki badan dhalisay, isla markaana Soomaaliya dib u celineysa sanado badan oo laga soo gudbay.