Tuesday, May 20, 2025

Dowladda ugu weyn dalalka saaxiibka la ah Itoobiya oo si buuxda u taageertay Somaliya

Dowladaha Shiinaha ayaa caddeysay mowqifkeeda faragelinta Itoobiya ku sameysay Soomaaliya, iyadoo shaacisay inay si buuxda u garab taagan tahay Midnimada Dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa Shirkeeda jaraa’id ee maanta Janaayo 11, 2024 ku shaacisay mowqifka dowladda China mar wax laga weyiiyay xiisada ka dhalatay heshiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed la gashay madax maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Su’aasha la weydiiyayAfhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa ahayd: “Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis is-faham (MoU). Waxa la sheegay in Itoobiya ay aqoonsi rasmi ah siineyso Somaliland heshiiskii is-afgaradka ahaa, kaas oo khilaaf ka dhaliyay Geeska Afrika. maxaad ka leedahay taas?

Ad

Mao Ning waxay ku jawaabtay: Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa waddamada ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ku taageersan yahay ilaalinta midnimada qaranka, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed.

Dhinaca kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo”.

- Advertisement -

Waa dalkii ugu danbeeyay dalalka ugu dhow Itoobiya ee saaxiibka la ah nidaamka Abiy Ahmed ee ka taliya Itoobiya, kana hor yimaada damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON