Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga ayaa walaac ka muujisay xaaladda ka taagan Soomaaliya ee ka dhalatay khilaafka Doorashada Soomaaliya.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dolwadda Turkiga ayaa lagu yiri: “Waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyada ay ka waantoobaan falalka keeni kara iska hor imaadka, waana in dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay isu yimaadaan oo ah isku dayaan inay xaliyaan khilaafka si wadahadal iyo wadar ogol looga anba qaado heshiiskii 17-ka September”.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay rajo ka qabto saxiibada iyo walaallaheen Soomaaliya ay leeyihiin rabitaanka iyo qaangaarnimo siyaasadeed oo ay go’aan uga gaari karaan mustaqbalkooda’ kana rajo qabaan inay gaari doonaan heshiis loo dhan yahay oo Doorasho, iyadoo aan dib loo dhigin.
