Thursday, February 13, 2025
HomeXulashadaDowladda Turkiga oo howlgelisay Diyaaradii Dagaal ugu Casrisaneyd oo Drone ah (Daawo...

Dowladda Turkiga oo howlgelisay Diyaaradii Dagaal ugu Casrisaneyd oo Drone ah (Daawo Sawirrada)

-

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay diyaaradii ugu danbeysay Drone ah oo awood u leh inay xambaarto gantaallo badan, awoodeeduna ka badan kuwii ka horeeyay, taasoo dalkaasi ka dhigtay mid ka mida dalalka ugu waaweyn ee sameeya diyaaradha Drone-ka ee dagaalka ugu horeeya dunida.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo xariga ka jaray diyaaraddan cusub iyo bandhigeeda ayaa sheegay inay ku biirtay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Turkiga ku howlgalayana wixii ka bilowda bisha Ogost 2021.

- Advertisement -

“Waxaan heysanaa diyaaradda Akıncı UCAV, Turkiga wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heysta teknooloojiyaddan.. Waaxdeena gaashaandhigga waxay kaalin weyn ka qaadatay soo bandhigidda guusha Turkiga ee 19 sano ee lasoo dhaafay soo socotay”, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Wuxuu sii raaciyey in Turkiga ay heer ka gaareen teknooloojiyadda hawada sare iyo hubka, taasoo astaan u tahay guulaha iyo awoodahaa dhinaca Gaashaandhigga. “Waxaan halkan isugu nimid in aan soo bandhigno diyaaradda Akıncı UCAV, waa astaan cusub oo muujineyso awoodaha Turkiga ee dhanka xirfadda Injineernimada iyo madaxbanaanida dhanka hubka,” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray in diyaaraddan cusub ee loogu magac daray Akıncı UCAV ay tahay astaan muujineyso madaxbannaanida Turkiga ee dhanka hawada. Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay injineeradii iyo khuburradii soo saartay diyaaradda. Turkiga “wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heystay diyaaraddan casriga ah,” ayuu yiri.

Diyaaradda casriga ah ee duuliyaha uusan saarnayn, waxaa sameysay shirkadda Baykar oo soo saarta diyaaradaha Drones-ka eeTurkiga. Diyaaraddan cusub ee casriga ah waa mid awood leh marka la barbardhigo noocii horey uu dalkaas u soo saaray ee Bayraktar TB2, waxaana iibsaday dalalka Azerbaijan, Poland iyo Ukraine.

Diyaaradha dagaalka Drone-ka ee Turkiga ayaa guulo ka keenay dagaalladii Liibiya iyo Azerbaijan, waxaana sii kordhay awoodda Turkiga ee farsamada diyaaradaha aanay cidna wadin ee dagaalka, kuwaas oo lagu tilmaamo hubka mustaqbalka lagu dagaalami doono.

Diyaaradda cusub ee Bayraktar Akıncı waa tan ugu dheer diyaaradaha Turkiga sameeyay, waxyna si rasmi ah uga mid noqotay hubka Turkiga ee Ciidanka Cirka 29 Ogosto 2021.

Diyaaraddu culeyskeedu 5.5 tan. Akıncı waxay ku qalabeysan tahay laba matoor oo turbo ah, kuwaas oo awoodooda ay tahaya 450 ama 750 hp. Waa diyaarad elektaroonik ah oo nidaamkeedu ku shaqeeyo laba isgaarsiin oo dayax gacmeedka ku xiran, Raadaar hawada ah, awood u leh ka fogaanshaha shilalka iyo nidaam hagis oo heer sare ah.

Diyaaradd Drone Akinci waxay xambaartaa gantaalaha Turkigu farsameeyo ee Cirit ee shucaac lagu hago sida L-UMTAS, MK-81, MK-82, MK-83, MK- 84.