Sunday, April 27, 2025

Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadineysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya (Maxaa is-bedelay..?)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay wadahadal la galayso dowladda Itoobiya.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ayaa gaaray dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wada-hadallada Turkiga garwadeenka ka yahay ee u bilaabanaya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal lagu fafiyey bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadalkan, balse lama bixin wax faahfaahin ah ama ajendaha shirka.

Ad

“Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Turkigu uu ku cadaadiyay Muqdisho inay si toos ah ula fariisato Ethiopia. Ilahan ayaa sidoo kale sheegay in Addis Ababa ay iyaduna dhinaceeda Turkiga ka codsatay in iyaga iyo Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo.

Dadaalkii ay dowladda dalka Kenya ka dhex waday Soomaaliya iyo Ethiopia oo si aan toos ahayn ugu kulmay Nairobi ayaa lagu guuleysan aayey, iyadoo ay isaga dab qaadayeen mas’uuliyiin Kenyan ah.

- Advertisement -

Lama oga waxa keenay isbedelka ku yimid dowladda Soomaaliya oo hore u diiday inay wadahadal la gasho Itoobiya. Waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis uga yimid Dowladda Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON