Saturday, March 15, 2025

Turkiga oo Dhaqaatiir & gargaar caafimaad u soo direysa Somalia & Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay dhaqaatiir iyo gargaar caafimaad usoo direyso magaalada Muqdisho si loo caawiyo dadka ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin ayaa tacsi u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo si weyn u cambaareeyay falkii argagixiso ee naxdinta lahaa oo lagu laayey shacab fara badan maanta, wuxuuna intaas ku daray inuu Turkiga taageero ka geysaneyso arrintan ayna direyso koox caafimaad iyo dawooyin.

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa farriin uu soo diray ku cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna qoraalkiisa yiri: “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixso ee Muqdisho. Waxaan Alle uga baryayaa inuu dadkii ku dhintay u naxariisto, dhaawacana uu bogsiiyo. Laba ka mida muwaadiniinta Turkiga ayaa noloshooda ku waayey weerarka. Waxaan u tacsiyadeynayaa Qarankeena iyo walaalaheen Soomaaliyeed. Turkigu mar waliba wuxuu garab taagan yahay Soomaaliya.”

Ad

Waxaa la filayaa in diyaarad milateri oo caafimaad ay ka timaado Turkiga, taasoo sida koox dhaqaatiir ah iyo Dawooyin oo gacan ka geysan doona xaaladda caafimaad ee ka dhalatay qaraxii Muqdisho oo dad badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dalkaasi loo qaadi doonaa dhaawacyada darran si loogu daweeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON