Thursday, April 24, 2025

Dowladda Soomaliya & Hay’adda Duulista hawada ee Q/Midoobay oo heshiis cusub kala saxiixday [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan duulida hawada ee ICAO ayaa heshiis cusub kala saxiixday.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar, ayna  ka mid yihiin Maareeyaha guud ee hay’ada Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf jaalle) iyo ku xigeenkaiisa Axmed Macalin Xasan ayaa ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada oo ah xarunta Ha’yadda ICAO.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda ICAO haweenayda lagu magacaabo Drs Fang Lie iyo saraakiil sare oo ka socday hay’ada ICAO, waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya iyo sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Ad

Xog-hayaha Guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxda Hay’adda ICAO uu ku saabsanaa sidii maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed C/llaahi Salaad iyo Agaasimaha Xafiiska Farsamada iyo Iskaashiga ee Hay’addaasi ICAO Ivan Galan ayaa kala saxiixday haeshiiskaasi, iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Muqdisho laga maamulo hawadda Soomaaliya.

- Advertisement -

Lama shaacin xilliga heshiisku qorayo in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda Federaalka, inkastoo dowladda Soomaaliya ay hore u sheegay in bisha soo socota ay la wareegi doonto maamulka hawada.

SAWIRRO

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON