Monday, February 10, 2025

Dowladda Soomaaliya War kasoo saartay Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegya in dowladda Mareykanka ay si dhab ah uga fiirsato halista uu keeni karo go’aankan, waxaana warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya uu ahaa midkii ugu xumaa ee dowlad islaam ah ka qaadato tallaabadda Trump.

HOOS KA AKHRISO WARKA DOWLADDA SOMALIA

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah)

Ad

Tr. December 07, 2017
Muqdisho – Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

- Advertisement -

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON