Wasaaradda Arrimaha Dibadda War -saxaafadeed Faafin degdeg ah caawa kasoo saartay qaraxyo shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadan ee dalka Yeman.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, kaasi oo sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay..”