Sunday, March 23, 2025

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay Muna Sharmaan ka tagtay Qareenada difaacaya Kiiska Badda [Akhri sababta]

Dowladda Somalia ayaa xaqiijisay in haweeneydii Qareenka ahayd ee Soomaaliyeed, kana mid ahayd kooxda Soomaaliya ka difaacaysa Kiiska Badda ee yaalla Maxkamadda Adduunka aysan ka mid ahayd Qareenada xilligan u taagan Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Ali Faqi oo kiiskan u qaabilsan Dowladda aya shaacisay Qareen Muna Sharmaan ay iskeed uga tagtay kooxda difaacayaasha Soomaaliya, markii ay shaqo ka heshay Bankiga adduunka, iyadoo arrintaasi ku wargelisay Madaxweynaha Soomaaliya, isaguna uu ka aqbalay.

Danjire Fiqi ayaa sheegay in dhamaan qareenadii difaacayay Soomaaliya ee dhinaca dacwadda Badda ay weli shaqeynayaan marka laga reebo Muna Sharmaan oo ka tagtay, wuxuuna been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhex marayo ee lagu siyaasadeynayo kiiska Badda.

Ad

Dowladda Somalia ayaa warbixin badan shacabka ka siinin sida ay u socoto dacwadda Badda, waxayna kaliya beenisaa markii ay soo baxaan wararka kiiskaasi ku saabsan, taasoo shaki badan ku abuurtay dad badan oo si dhow ula socda arrintan.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in dowladda Somalia ay booskii Muna Sharmaan ku bedeshay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON