Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa madaxdii Alshabaab dhowaanna isu soo dhiibay dowladda.
Qoraal kasoo baxay wasaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in cafiskii madaxweynaha Soomaaliya loo cuskanayo arrinta Mukhtaar Roobow, ayna soo dhoweyneyso cid kasta oo ka tanaasusha fekerka Alshabaab.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow
15 August 2017
Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.
Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.
Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.
DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska A
Ad
Warar Xul ah