Thursday, April 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay xilliga ay la-wareegeyo Maamulka Hawada

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xilliga ay la wareegeyso si rasmi ah maamulka hawada.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Salaad oo ka qeyb galay shirkii Wasiirada Duulista Bariga Afrika oo ka dhacay dalka Masar ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen guulo la taaban karo isla markaana aakhirka bisha October ay si rasmi ah dowladda ula wareegto maamulka Hawada Soomaaliya.

“Hawada Soomaaliya markii ugu horreysay ayaa laga maamuli doono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajeynaynaa inay bilaabato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”ayuu yiri Wasiir Salaad.

Ad

Maamulka hawada Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haysa hay’adda ICOA tan iyo sanadkii 1995, iyadoo marar badan ay dib u dhacday arritan, lama oga inay suurageli doonto xilliga uu wasiirku shaaciyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON