Sunday, March 16, 2025

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya u jooga Muqdisho & Ashtako loo gudbiyey [Akhriso]

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa maanta oo Khamiis ah u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/qaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa safiirka Kenya ee Muqdisho u gudbiyey Qoraal ay Dowladda Soomaaliya uga cabaneyso xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya kuso xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October,2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyadoo aan ogolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay u dirtay Kenya sheegtay si xoog leh uga cabaneyso xad-gudubkaas, isla markaana aysan marnanb ogolaan karin in lagu xadgudbo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxayna ugu baaqdays in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya.

Ad

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadi’da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON