Saddex magafe oo dadka Soomaalida ah si muqalasnimo ah ugu tahriibin jiray dalalka Uganda, Labada Suudaan iyo Libya, lacagna ka qaadan jiray oo ay qabteen ciidamada Koonfurta Suudaan, loona soo gacan geliyay dowladda federaalka ah ayaa xabsiga laga sii daayey.
Qoraallo la healy ayaa waxaa ku cad in 4 Soomaali ah ay xireen booliiska Koonfurta Suudaan kadib markii lagu helay arrimaha tahriibinta dadka, dhalinyaradaasi waxaa loo soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya si loogu maxkamadeeyo gudaha dalka, laakin ilo ku dhaw garsoorka dalka ayaa xaqiijiyay in dadkaasi xabsiga laga sii daayey kadib markii la waayey cid soo dacweyso.
Mid ka mid ah warqadaha aan helney waxaa ku qornaa: “ Booliiska Koonfurta Suudaan waxaa uu halkan ku soo gudbinayaa eedeysanayaal 3 ah, kuwaas oo lagu helay iyaga oo tahriibinaya wiil aan qaan-gaarin oo 14 jir ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xasan Cilmi, waxaa ay wiilkan ka soo wadeen Kaam ku yaallo dalka Uganda, iyaga oo ku safriyay Koonfurta Suudaan ayaa lagu qabtay magaalo ku taallo xadka dalkaasi la wadaago Suudaan”.
Lt.Gen. James Pui Yak Yiel waxaa uu dhiggiisa Soomaaliya u sheegay in wiilkii yaraa la badbaadiyay laguna celiyay dalka Uganda halkaasi uu dib ula midoobey waalidkiisa
Saddexda qof ee booliiska Koonfurta Suudaan u soo gacan geliyeen Soomaalida waxaa lagu sheegay magacyadooda: Caydarus Cabdullahi Nahar (Dhashay May 5, 1992), Cabdirahman Mohamud Socdaal (Dhashay March 1, 1989) iyo Liban Cabdullahi Xussein (Dhashay January 1, 1992), 3-dan oo labo kale oo Muqdisho la keenay, waa la sii daayey, kadib markii la waayey cid soo dacweyso.
Dadkan lagu qabtay iyaga oo dadka tahriibinaya, waxaa ku cad warqadaha aan helnay in la keenay goobahan: July 15, 2017 Juba, duulimaad number 540, Duulimaadka 5H0724- 1634Hrs iyo Nairobi 1810Hrs, waxaa la soo saaray diyaaradda African Express duulimaad number XU0523 oo ka soo duushay Nairobi 0800Hrs timidna Muqdisho 0930Hrs.
Dadka Koonfurta Suudaan lagu qabray, Soomaaliya loo soo gacan geliyay isla markaana la sii daayey waxaa ka mid aha Cabdulkadir Cumar Cabdulle oo dhashay November 24, 1992, waxaa dalka la keenay July 3, 2017, waxaana loo sii daayey sida kooxda kale, oo wax soo dacweeyo ayaa la waayey.
Dadkan ay Soomaalida u taqaano magafeyaasha ee hadda xabsiga laga sii daayey, waxaa ay dhiirigelineysaa in shaqadii ay dib ugu noqdaan, koox cusubna ku soo biiraan ciqaab la’aanta darteed, waxaa kale oo hal bacaad lagu lisay noqdey dadaalkii dowladda Koonfurta Suudaan iyo Safaaradda Soomaalida ee Koonfurta Suudaan.
Isha: Goobjoog News