Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay maalinta berito oo Isniin ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.
Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere, Sheekh Adan Kheyrow iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mida agaasimeyaasha Wasaaradda Diinta iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay go’aankan kadib markii ay xiriiro kala duwan la sameeyeen goboladda dalka Soomaaliya oo dhan.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Maxkamada rafcaanka Gobolka Shabeelaha Dhexe, magaalada Jowhar ay sugtay dhalashada bisha Ramadaan, lagana arkay degmada Afgooye inay xukmiyeen in Berito ay tahay Ramadaan.
Hore waxaa looga dhawaaqay dalal dhowr in Beri ay tahay maalintii koowaad ee Bisha Ramadaan.
{Akhri dalalka muslimka ee laga soonka ku dhawaaqay Berito}
Goobjooge.com